Eretereya Oo U digtay Dowlada Qatar

Ereteriya waxay ku eedaysay Dowlada Qatar in ay kusoo abaabulayso kooxda argagixisada ah ee Alshabaab gudaha dalkeeda.

Eedayntan waxay imaanaysaa mudo ka badan 10-sano oo ay Eretereya kala shaqaynaysay garabsiinta Alshabaab Qatar.

Alshabaab waxay ku lahaayeen Eretereya Saldhigyo ay ku tababartaan,waxay ka heli jireen saanad Milataru,waxay ku safri jireen Basaboorka dalkaas,waxayna uhaan jireen garoomada diyaaradaha dalkaas kuwo ay si furan ugu kala gudbaan caalamka kale.

Qatar sida ay xaqiijiyeen ilo surdoon oo laysku halayn karo waxay maalgalisaa argagixiso fara badan oo magacyo kala duwan qaata,kuwaasoo Alshsbaab ay ka mid tahay.

Alshabaab waxay weeraro,Qaraxyo arxan daro ah,dilal qorshaysan iyo khalkhalgalin amni si joogta ah uga wadaan guud ahaan Bsriga Africa,gaar ahaan Somaliya.

Hadalka kasoo baxay Eretereya waxuu noqonayaa mid sii xaqiijinaya tuhumadii hore tooshkana kusii ifinaya ku lug lahaanshaha Qatar ee argagixisada caalamiga ah.

Jibril Qoobey.