Deni iyo Imaaraadka Oo isku afgaran waayay arinka PDG

Madaxweyne Deni waa kusoo fashilmay qorshihiisii imaaraadka.

Warar aan ka helnay Ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka Carabta ay diiday dalabkii Madaxweyne Deni.

Dalabka Deni,ayaa ahaa in dib loosoo celiyo Shirkadii PDG boorkeedana laga dhigo Maxamuud Shido iyo Bashiir Cabdullaahi Saalax Deer.

Imaaraadka waxay Deni usheegeen in aysan dib u aqbali karin Shirkadaas iyo Maleeshiyaadka Burcad badeedka ah ee ay wadato,isla markaana dhaleecayn caalami ah ay kala kulmeen wada shaqaynteedii hore.

Deni iyo garabkiisii watay markii hore in ay la wareegaan maamulida mashruuca iskana hor leexiyaan PDG ayay talo ku baraahsatay.

Imaaraadka,waxuu ku adkaystay in ay iyagu maamulayaan si toos ah Ciidanka Badda.

Isimada Gobolka Bari oo horay udhexgalay isku dhicii Dowlada iyo PDG,ayaa hada ka war sugaya Deni iyo soo laabashsdiisa.

Madaxweyne Deni,ayaa la filayaa in uu dalka dib ugu soo laabto maalinimada Beri foog ah ama Saadanbe oo ku aadan Isniin.

Jibril Qoobey.