Beesha caalamka Oo cadaadis ku saartay Dowlada Fadaraalka hakinta dhismaha Galmudug

Muddo todobaad ah,ayaa la hakiyey howlaha dhisida maamulka Galmudug.

Hakintay,ayaa ka danbeysay,kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay Go’aamisay in wada-hadal lala furo hoggaanka Ahlusunna oo haatan saluugsan sida ay dowladda federaalka u wajaheyso dhismaha Maamulka Galmudug.

Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya ahna xiriiriyaha Dowladda ee Arrimaha Galmudug sidoo kalena uu dhalay hoggaamiyaha ugu sareeya Ahlusunna ee Macalin Maxamuud,ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu tago Magaalada Dhuusamareeb.

Maalmaha soo socda dib loo bilaabi doono wada-hadallada si Ahlusunna looga qanciyo tabashada ay ka qabto sida lagu wado dhismaha Maamulka Galmudug.

Ilo xog ogaal ah,ayaa noo xaqiijiyay in cadaadis xoog badan Dowlada Fadaraalka uu uga yimid dhanka beesha caalamka,kaasoo ku aadan in la qanciyo lana fuliyo heshiiskii Alusuna.