Maxay ku salaysnayd booqashadii Deni Ee Jordan?

Madaxweyne Deni waxuu booqasho ku tagay Dalka Jordan.

Maqaadan wax ka badan booqashadaasi saacado,waxuuna kula kulmay saraakiil Maraykan.Israa’iiliyaan iyo Jordaniis ah.

Kulanka waxuu ahaa mid ka macna badnaa saacadihii koobnaa ee uu dhacay.

Puntland kulankaas waxay ku heshay heshiis laga taageerayo dib uhabaynta Ciidankeeda Daraawiishta.

Ugu yaraan 6-Guuto oo Daraawiishta Puntland ah,ayaa si weyn tababar iyo qalab loo siinayaa.

Puntland waxay kaloo heshiiskan ugu helaysaa garoonka diyaaradaha Garowe Terminal cusub iyo Dhabaha diyaaraduhu ku ordaan oo la siyaadinayo.

Darafka kale ee heshiiska qaybta ka ahaa oo uu hogaaminayay Maraykanka,ayaa heli doona Saldhig Milatari oo ay ka samaystaan Garoonka diyaaradaha Garowe,waxaana ugu yaraan Saldhigaasi ku fariisan doonaa dhul gaaraya 5-km.

Heshiiskan waa lakala saxiixday,waxaana bilowday hirgalintiisa.

Shirkada Frontier Services Group oo ahayd tii shalay la saxiixatay heshiiska balaarinta garoonka Garowe Wasaarada Duulista Hawada Puntland,ayaa qaadatay dhismaha Saldhiga,qalabka iyo balaarinta garoonka.

Sidoo kale waxaa jira dhawr shirkadood yar-yar oo ku hoos jira shirkada Frontier Services Group oo qaabilsanaan doona arimo ay ka mid yihiin amaanka.

Frontier Services Group waxay ku taalaa xarunteeda ugu weyn Hong-Kong,iyadoo %35 laga leeyahay,balse guud ahaan waxaa maalgaliye ka ah Eric Dean Prince oo ah aas-aasihii shirkadaha Black Water iyo Saracen,waana ganacsade horayna uga tirsanaan jiray Ciidanka Badda Maraykanka.

Maraykanka,ayaa xiligan umuuqda in uu xoojinayo saamayntiisa Somaliya una doortay Puntland in ay noqoto halka uu kasoo galayo kana samaysanayo Saldhigiisa ugu balaaran.

Jibril Qoobey.