Video:-Ayax ku habsaday Gobolka Mudug

Cayayaanka Ayaxa oo guur guuraya ayaa ku habsaday deegaano badan oo ka tirsan gobalka Mudug, waxaana laga cabsi qabaa in uu baabi’iyo beero iyo dhul daaqsiimeed.

Cayayaanka Ayaxa oo fara ba’an ku hayay deegaanada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa u soo gudbay gobalka Mudug, waxaana lagu arkay Galdogob ilaa Godod.

Muuqaalka waa wadada Wadaagsin, gaar ahaana meel u dhexaysa Jeexdin iyo Godod.

Xigasho:Kasmaal Media

Halkan ka daawo muuqaalka