Baarlamaanka Puntland Oo xeerar ansixiyay

Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland mudo saddex casho oo fasax shaqo ah kadib.ayaa lagu ansixiyay xeerar.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 38 mudane ayaa waxaa cod gacan taag ah ay 34 mudane ku ogolaadeen Xeerka Hawlgabka iyo Liiltirka ee Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland, halka 4 mudane ay ka aamuseen, cid diidayna aysan jirin, sidaasna uu xeerkaasi ku ansaxay go’aan Gole.