Gudoomiyaha Gobolka Cayn Oo la magacaabay

Madaxweyne Ku-xi-geenka Puntland oo Magacaabay Guddomiyaha Gobolka Cayn.

Garoowe, December, 04, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xeer Madaxweyne Ku-xigeen Lr-22, December, 03, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha gobolka Cayn.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Dardargelinta Hawlaha Shaqo ee gobolka Cayn.

Markuu Arkay: Aqoontiisa iyo Kartidiisa

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Guuleed Maxamed Nuux ( Guuleed San-weyne) loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Cayn.

Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenku saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.