Hot Topics

Talyihii Qaybta Booliska Nugaal Oo shaqadii laga joojiyay

Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland S/Gaas Muxyidiin Axmed Aw-Muuse,ayaa shaqada ka joojiyay Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Mu’min Cabdi Shire.

Labada mas’uul,ayaa khilaaf hoose ka dhexeeyay todobaadyadii la soo dhaafay,islamarkaana aysan wax wada-shaqeyn ah dhexmarin.

Taliye Muxiyadiin ,ayaa dikreetada uu shaqada kaga joojiyay G/sare Mu’min Cabdi Shire waxa uu ku xusay in uu amar-diiddo sameeyay sidaasi darteedna shaqada looga joojiyay.