Maxay kawada hadleen Shariif iyo Swan

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Muqdisho Shiikh Sharif Shiikh Axmed,oo ay wehliyaan qaar ka mid ah xubnaha Madasha, ayaa maanta la kulmay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulanka Shiikh Shariif iyo James Swan ayaa si weyn diirada loogu s aaray dhawr qodob oo muhiim ahaa.

1 – Helitaanka doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana la isla ogolyahay oo ka dhacday Soomaaliya.

2 – Wada-hadallo dhab ah oo dhex-mara saamileyda siyaasadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Dowlada,Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Xisbiyada Muqdisho.

3-Joojinta faro-gelinta ciidamada Itoobiya ay ku hayaan arrimaha gudaha Soomaaliya, ayaga oo taageeraya Villa Somaliya.

Beesha caalamka,ayaa maalmihii ugu danbeeyey sare u qaaday kulamada iyo wada-tashiyada ay la yeelaneyso Xisbiyada siyaasadda dalka.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa ku dheggan qabashada doorasho qof iyo cod ah,oo uu ogyahay in dalka aysan iminka ka dhici karin, balse ujeedku yahay in waqti lagu lumiyo si dowladdiisa u hesho muddo kordhin.