Video:-Kulankii Nato Oo soo gabagaboobay

Hogaamiyayaasha Gaashaanbuurta NATO ayaa soo gaba-gabayey shir madaxeed labo maalin uga socday duleedka London, waxaana ay soo saareen war-murtiyeed ay ku midaysan yihiin inkastoo la arkayey xiisadda ka dhex aloosan qaar kamid ah hogaamiyayaasha NATO. Shirkan ayaa kusoo beegmaya 70 guuraddii kasoo wareegtay markii la aas aasay isbahaysigan milatari.

Hogaamiyayaasha ayaa ku sheegay warmurtiyeedka ‘si loogu noolaado amni waa in aan si wada jir ah u eegnaa Mustaqbalka wada jirkeena’

Hogaamiyayaashu waxaa ay isla garteen khataraha ka imanaya dalalka China iyo Ruushka, waxaana ay balan qaadeen in ay la imanayaan qorshe xoogan si looga hortago argagixisada,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka