Dowlada Farmaajo hogaamiyo Oo ka jawaabtay Eedaynta C.C.Warsame

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay kasoo  jawaabtay hadal muran badan dhaliyay kaas oo jeediyay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxa uu sheegay in arintan Cabdishakuur uu galay ay tahay mid ay ku haystaan culimada islamarkaasina la xiriirta arimo diineed.

Waxa uu sheegay in ay haboon tahay in arintan uu la kaashado culimada Soomaaliyeed, oo fadhi iskugu waco, kadiba uu wax ka weydiiyo waxyaabaha ay diintu ka qabto, ee aysan ahayn wax la xiriirta aragti shaqsiyadeed.

Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale waxa uu xusay in warka kasoo baxay hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys uu yahay mid isaga u gaar ah ayna shaqo ku lahayn dawladda Soomaaliya oo la sheegay in ay lug ku lahayd.