Roobab Dabayla wata Oo ka da’aya Puntland

Deegaanada xeebaha bari ee Punland ee Soomaaliya ayaa xalay ilaa iyo saakay waxaa laga soo sheegayaa roobab dabeylo iyo daadad wata oo maalmahan laga sii digayay.

Roobabkan ayaa imanaya ayada oo ugu yaraan 280 qof ay ku dhintay roobab xooggan oo daadad dhaliyay oo ka da’ayay bilihii u dambeeyay dalalaka Bariga Africa.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay roobabkan ayaa dhinaca kale saameeyay in ku dhow saddex milyan oo qof. Hadalkan Qarmaada Midoobay ayaa ku soo beegmaya iyadoo weli roobabku ay sii socdaan.