Wararkii ugu danbeeyay xaalada Caafimaad Ee Madaxweyne Deni



Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladiisa Caafimaad waxay sheegayaan in qaliin looga sameeyay Xangulaha,kaasoo ka dhacay Dalka Kuwayd.

Horay waxuu balan Caafimaad ugu lahaa Dalka Jarmalka,balse waa la baajiyay markii uu xaalku kusoo ururay Qaliin khatartiisa leh oo ay dhakhaatiirtu xaqiijin waayeen in uu ka kici karo iyo in kale.

Madaxweynaha,ayaa dalka ka maqan maalinkii 17-aad,waxaana dastuurka Puntland qabaa in usan ka maqnaan karin wax ka badan Bil ama Sodon cisho.

Sida Dastuurka Puntland qabo wakhtiga uharsan Madaxweynaha markaas talada haya hadii xil gudasho la’aan timaado,waxaa sii dhamaystiraya oo toos unoqonaya Madaxweyne ku xigeenkiisa,isla markaana waxaa la dooranayaa Madaxweyne xigeen.

Taageerayaashiisa iyo shaqaalaha Madaxtooyada,ayaa sheegaya in uu caafimaad qabo maalinka beri foog ahna dalka kusoo laaban doono,hadii rabi idmo.

Isku soo wada duuboo shabakada Warbaahinta Idil News waxay rabi uga brayaysaa in uu caafimaad taama siiyo Madaxweynaha.