Alxariiri Oo markale usharaxan Rw

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Lubnaan Sacad al-Xariiri ayaa laga cabsi qabaa in uu dib isku soo sharaxo kaddib markii uu musharax nimadiisa ka laabtay ganacsadaha caanka ah ee Samiir Khatiib.

Madaxwaynaha dalka Lubnaan Mishaal Cawn, ayaa la sheegay inuu dib u dhigay ku dhawaaqista Ra’iisul Wasaarihiisa xiga, oo la filayay inuu maanta u magacaabo Mr. Khatiib, tan iyo 16’ka bishan, isagoona u sababeeyay codsi uga yimid xisbiyada iyo Baarlamaanka.

Mr. Sacad Al-Xariiri ayaa xilka ra’iisulwasaaraha ka dagay 29-kii bshii October kadib markii ay bilawdeen dibad baxyo xoogan oo looga soo hor jeedo xukuumadiisa.

Dibad baxyaasha Lubnaan iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dowladda Lubnaan ku eedeenaya musuq maasuq sababay in dhaqaala xumadii ugu darneed ay dalkaasi ka dhacdo tan iyo sanadihii 1975 illaa 1990’kii.

Radio Puntland