Video:Baarlamaanka Puntland Oo xeerar ansixiyay

Waxaan maanta shir Guddoomiyey Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa Xildhibaanadu meelmariyeen Qorshaha Istiraatijiga ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland 2019-2024.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 35 mudane ayaa Golahu waxaa uu si guud ugu codeeyey cod gacan taag ah Qorshaha Istiraatijiga ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland 2019-2024, waxaa ogolaaday 32 mudane halka 3 mudane ay ka aamuseen cid diidayna ma aysan jirin, sidaas ayuuna ku ansaxay kuna meel maray,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=2707781092635986&id=1347891271958315