Alshabaab Oo weli gudaha Ugu jira Hotel SYL

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weli haysta qaybo ka mid ah hoteelka SYL ee magaalada Muqdishu oo ay galeen caawa fiidkii.

Weerarka ayaa bilwoday daqiiqado ka hor 7-dii fiidnimo ee xilliga Muqdidhso. Waxaana la sheegay in maleeshiyaadka ay qaar rasaas ku fureen ciidamada ilaalada madaxtooyada halka kuwo kalena ay galeen hoteelka SYL.

Ugu yaraan laba ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in la dhaawacay.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka Soomaaliya Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmana Cumar Jeeniqaar oo taliye u ahaan jiray Danab ayaa ku sugnaa hoteelka marka weeraku dhacay. Waxa uu sheegay in ciidankiisa ay difaaceen isaga iyo dad kale oo badbaaday.

Talyaha,ayaa sheegay in maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay ku hubaysnaayen qoryaha fudud iyo barmbooyinka gacanta laga rido.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka,ayaa laga soo badbaadiyay Hotel-ka.