Dhaqaalihii PDG Oo Madaxtooyada Puntland toos loogu shubay

450-dolar ayuu Askari walba mushahaar uqaatay bishan guud ahaan Ciidanka Badda Puntland,kadib shaqo joojintii lagu sameeyay PDG.

Sidoo kale waxaa si rasmi ah uxirmay albaab walba oo rajo wada xaajood ah,waxaana lagu amray saraakiisha Ciidanka in aysan cidna soo gali karin xarumaha.

Warar hoose oo aan helay,ayaa sheegaya in dhaqaalihii shirkada PDG ay ku qaadan jirtay adeega Ciidanka oo gaarayay Hal Milyan iyo Shan Boqol oo Kun dolar bishii qayb ka mid ah oo dhan Sideed Boqol oo kun dolar toos ugu dhacday Madaxtooyada Puntland.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada oo aan la xiriiray waxay ii xaqiijiyeen in ay jirto lacagtaas,balse Miisaaniyada Dowlada lagu kabay.

Majiro il madax banaan oo ii xaqiijisay in lacagtaas ay ugudubtay Miisaaniyada Xukuumada.

Jibril Qoobey.