Hir-shabelle Oo ka hor timid mudo kororsi loo sameeyo Xukuumada Fadaraalka

Warsaxaafadeed ay soo saareen maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ku aadan doorashooyinka dalka uu geli rabo sanadka soo aadan ee 2020/2021.

Warsaxaafadeedka oo ka koobnaa ilaa Lix (6) qodob ayaa waxyaabihii looga hadlay waxaa ka mid ahaa in mamulka Hirshabeelle uusan aqbali doonin muda kororsiga ay doonayso xukuumadda Soomaaliya iyo in dalka ay ka dhacdo doorsho qof iyo cod ah sida balankuba ahaa.

Waxaana uu warsaxaafadeedkan ka soo baxay maamulka Hirshabeelle uu ku soo aaday xilli maanta magaalada Jowhar ay ku kulmeen madax ka socota Beesha Caalamka iyo madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare, oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira doorshooyinka dalka.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Oo Dhammaystiran:-