Hogaamiyaha Myanmar Oo Maxkamad lasoo taagayo

Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada ee ku taalla magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa waxaa maanta oo arbaca ah ka bilaabmay dhegaysiga dacwad ka dhan ah dowladda Myanmar.

Myanmar ayaa lagu eedeynayaa inay xasuuqday muslimiinta laga tirada badanyahay ee ku nool dalkaasi ee Rohingya.

Dacwaddan,ayaa waxaa gudbisay dowladda Gambia oo ka wakiil ah ururka dalalka islaamka ah.