Israsaasayn ka dhacday Bosaso

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in galabta is rasaasayn ay dhex martay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Berriga Puntland iyo koox hubaysan.

Goobjoogayaal,ayaa sheegay in koox hubaysan ay rasaas ku fureen sarkaalka, xilli uu ka adeeganayey Suuqa magaalada Boosaaso, balse sarkaalka oo ka badbaaday rasaastaasi.

Is-rasaasaynta dhexmartay sarkaalka lagu magacaabo Cabdiweli Abshir Cabbaas iyo kooxda hubaysan, waxaa ku dhintay hal ruux oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya, kaasi oo ku sugnaa meel aan ka fogayn halka weerarku ka dhacay