Itoobiya Oo gacanta ku haysa dhismaha Ciidamo badeed Oo xoog badan

Dowlada Itoobiya waxay gacanta ku haysaa dhismaha Ciidamo Badeed oo noqon doona kuwa ugu awooda badan Dalalka Gobolka.

1000-Askari,ayaa tababar loogu qaaday dalka Ruushka si loogu diyaariyo Ciidan Badeed,waxaana laga soo xulay guud ahaan qaybaha Ciidamada Itoobiya.

Brigadier General Kindu Gezu,ayaa noqonaya sarkaalka hogaamin doona Ciidamada badda Itoobiya oo farisinkooda ugu horeeyaa uu noqon doono dalka Jabuti.

Brigadier General Kindu Gezu waa mid ka mdi ah saraakiisha loogu tixgalinta badan yahay Itoobiya lehna aqoon sare iyo khibrad fog,waxuna ka mid ahaa 25-Sarkaal oo 2016-kii loo dalacsiiyay.

Brigadier General Kindu Gezu waa madaxii Xarunta Hayelom Araya Military Academy and Staff College.ka hor intaan loo magacaabin hogaaminta Ciidamada Badda.

Sidoo kale Brigadier General Kindu Gezu waxuu soo noqday hogaamiyihii fadhiga Galbeed ee Ciidamada Itoobiya,kaasoo xaruntiisu ay tahay Bahrdar caasimada ismaamulka Amxaarada.

Ciidamada Badda Itoobiya,waxaa si deeq daymeed ah ku maalgalinaysa Dowlada Faransiiska,waxaana ku baxaya tababarkooda iyo qalabayntooda aduun gaaraya 4-Bilyan oo Euros.

Dowlada Jabuti,ayaa aqbashay oo heshiis kula saxiixatay Itoobiya in ay siiso Saldhiga koobaad ee Ciidankaas sida ku cad Warmurtiyeed laga soo saaray kulan kal hore dhexmaray Ra’isalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Jabuti,

Jabuti waxay horay umartigalisay oo Saldhigyo ay siisay Ciidamo ka socda Dowladaha Maraykanka,Shiinaha, Japan, talyaaniga iyo Faransiiska.

Ciidamadan,ayaa lagu qalabayn doonaa 12-diyaaradaha dagaalka,18 Helokobtar,laba Diyaaradaha xamuulka qaada oo waa weyn,10-diyaaradaha kaligood iswada ee wax basaasa, iyo 30-M51 oo awood uleh in ay wax ka garaacaan fogaan gaaraysa 6000-Km.

Ciidamadan waxaa qorshahooda fog yahay in ya fariismo kale ku yeeshaan Dalalka kale ee Gobolka sida Somaliya.

Jibril Qoobey.