Maraykanka Oo diiday cafinta dayntii Uu Somaliya kulahaa

Wargayska Foreign Policy ayaa daabacay maqaal dheer uu kaga waramayo caqabado heesto safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto, taas oo ay suuragal tahay in uu isku casilo.

Cabqada ugu wayn ee heesata safiirka ayuu wargaysku ku sheegay in ay tahay hanaanka dayn cafinta Soomaaliya oo aanan u muuqanin mid hirgalayo.

Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku leh dayn gaarayso Hal bilyan oo dolar,ayaa horumuud u ah qorshaha dayn cafinta Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in xisaab xirka miisaaniyada sanadkan aan lagu qeexin Mareykanku in uu cafinayo daynta uu ku leeyahay Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo dadaal xoogan ugu galay in qorshaha dayn cafinta Soomaaliya uu hirgalo.

Wargayska Foreign Policy,ayaa ku waramay in Yamamoto uu qarka usaaran yahay in uu is casilo madaama qorshihii daynta cafinta ee uu dabada ka riixayay uu fashilmay.

Wasaaradda arimaha dibadda iyo maaliyada ee Mareykanka,ayaa isak diiday in ay ka hadlaan arinta dayn cafinta Somaliya sida Wargaysku sheegay.

Dowladaha kale ee caalamka kuna leh Somaliya daynta,ayaa eeganayay Maraykanka oo ku leh dayn gaaraysa Hal Bilyan Somaliya sida qaarkoodba si cad usheegeen in ay ku xiran tahay dayn cafintooda talaabada uu qaado Maraykanka.

Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa dadaalkeedii ugu xooganaa galisay qorshaha dayn cafinta ee hada fashilmay.waxuuan ku yahay dhabarjab weyn.