Maraykanka Oo soo dhaweeyay heshiiska Ahlusunna iyo Dowlada Fadaraalka

War saxaafadeed uu soo saaray Donald Yamamoto ayuu ku sheegay in dowladda Mareykanka ka go’an tahay inay taageerto dadaaladan, isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni.

“Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Donald Yamamoto ayaa yiri “Waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale  tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska”

Ugu dambeyn Donald Yamamoto ayaa sheegay in Galmudug uu yahay gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka waxaa ka go’an fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug.