Deni Oo ku fashilmay xiriirka caalamka

Masuulkii ugu sareeyay ee uu kala kulmo madaxda Itoobiya tan iyo xiligii la doortay Madaxweyne Deni,ayuu noqday Wasiirka Maaliyada Dowlada Fadaraalka Itoobiya Shide.

Waxaa si buuxda layskugu raacsan yahay in uu hooseeyo galgalka Diblomaasi ee Deni ku leeyahay caalamka.

Adis,Nayrobi,Jabuti wax ka badan Wasiir maqaamkiisu hooseeyo kala kulmo Deni markuu booqdo.

Sidoo kale uma joogaan ama umaba abaabulna shaqsiyaadka la yaqaan ee gal-galka siyaasadeed ku leh dalalkaas ee kasoo jeeda Puntland iyo guud ahaan Somaliya.

Sida aan xogta ku hayo Madaxweyne Gaas ilaa Afar Safaaradood muhiim ah oo ay Somaliya dibada ku leedahay,ayuu wax ka bixin jiray dhaqaalaha ku baxa si danaha Puntland aysan caqabad ugu noqon.

Madaxweyne Deni inkasta oo uu soo noqday Xildhibaan,Wasiir heer Fadaraal ah hadana weli siyaasada dibada iyo xiriirkiisa caalamku waa eber.

Madaxweynihii siyaasadiisa dibada ay ugu liidatay ee Puntland hogaansha,ayaa lagu tilmaami karaa.