Faallo:Habraaca Gudiga Doorashada Puntland

2021 waxay gudiga doorashooyinka Puntland u asteeyeen in ay qabsoonto Doorashada Dowlada hoose.

15-ka bishan December ilaa March 2020 waxay kaloo u asteeyeen in ay socoto diiwaangalinta Xisbiyada.

Qorshe qurxoon oo leh habraac cad oo la taaban karo ayay soo diyaariyeen Gudiga Doorashooyinka.

Balse qoraal iyo af wax laga sheego manoqon doonaan waxa lagu gaaro hiigsigaas fog ee waxaa loo baahan yahay ficil leh shaqo adag,dulqaad iyo maarayn xaaladeed.

Dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa in ay si buuxda oo daacad ah ay ula shaqayso Gudiga.

Shacabka Puntland oo hirgalinta hawshan ay toos iyaga utaabanayso,waxaa laga filayaa wada shaqayn buuxda in ay muujiyaan.

Si gaar ah waxay tahay in Beeluhu aysan ufahmin qorshahan in lagu carqaladaynayo doorkoodii iyo tarahii ay ku xisaabtamayeen.

Barnaamijkan oo uhirgala sida caalamka socday u isticmaalo waxay ka dhignaan doontaa cadaaladii oo la helay iyo Dowladnimadii oo saldhigatay.

Dowladnimada Puntland ha xoogaysato.

Jibril Qoobey.