Maxaa kalifay in Gudiga doorashada aysan Taleefoonada ka qaban Faroole ?

“In Taleefoonka laga qaban waayo isagaa Faroole kalifay la yaab maleh.sababtoo ah markaad adigu arki waydid maqaamkaaga oo aad meel walba la istaagtid hadal,qalafsanaan,afxumo iyo aniga kaliyaa wax aqaan kana xishoon waydid wark aan ku qaban sidaanoo kale,ayaa kugu dhacaysa”sidaa waxaa yiri mid ka mid ah aqoonyahankii ka qaybgalay madashii caawa.

Faroole waxuu noqday Nin Madal walba hadal la taagan oo Kursiga raba in uu kula fariisto Madaxweyne walba,waxaana Bulshadu hada dib uxasuusatay hadslkii Gaas ee ahaa..”Anigu ma noqon doono Mid Kursiga kugula fariista ee waxaan ahaan doonaa Oday kula taliya”.

Faroole oo caawa la hadlayey Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa yiri sida tan…

“Aniga iima aydin yeerin caawa, waxaad iiga cararaysaanna garan maayo anigu Sanetor idinka idin matela ayaan ahay, ..xafiiska madaxweynaha,ayaa i casumay, liiskana kuma jirin, qaar baa cuqdad qaba oo aan taleefannada iga qaban , anigu waan joogaa waana joogayaa, anigu halkan Puntland iyo halkaa Xamar labada waxtar ayaan u joognaa”.

Hadalka Faroole waxuu muujiyay sida loo dhibsaday loogana fogaaday.