Muxuu daaran yahay Kulanka Labada Shariif iyo Axmed Madoobe?

Waxay ku kulmeen Nayrobi Odoyaashan muhiimka u ah geedi socodka Dowladnimada dalka.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam,Madaxweynihii hore ee Dowlada Fadaraalka Shiikh Shariif ahna Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Muqdisho,Madaxweynihii hore ee Koonfur-Galbeed Shariif Xasan.iyo Xildhibaan Ilyaas Cali Xasan kulankooda ka dhacay Hoyga Sh.Shariif,ayaa ku salaysnaa ka tashiga xaalada dalku xiligan marayo,gaar ahaan doorashada 2021.

Madaxda kulantay waxay si qoto dheer iskula jeexjeexeen arinka doorashada oo ay fahansan yihiin in Dowlada haatan talada dalka haysaa ay hoos ka wado qorshe wakhti kororsi ay ku samaysanayso.

Qorsho doorasho oo hal qof iyo hal cod ah oo ana dalkan ka qabsoomi karin xiligan in wakhti lagu lumiyo waa xeelad ay ugu dhawanayaan in wakhti sii gabagaboobo kadibna mudo kororsi ay miiska soo saraan madaxda Dowlada Fadaraalka’sidaa waxaa noo sheegay mid ka mid ah masuuliyiinta kulmay.

Inkastoo kulanka Odoyaasha aysan kasoo bixin wax war ah oo saxaafada lala wadaagay hadana xogaha hoose waxay sheegayaan in ay isku aragti ka noqdeen xaalaka dalka,gaar ahaan qorshaha doorasho ee 2021.