Khayre Oo looga yeeray Doha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay furitaanka madasha Dooxa.

Madasha Dooxa,ayaa ah Madal soconaysa laba Beri ah ayna kasoo qaybgaleen Madax ka socota qaar kamid ah Dowlado iyo hey’ado caalami ah, ayaa waxaa furay amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay u tahay markii sedaxaad ee uu ka qayb galo Madashan,ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya.

Ka qaybgalka Madashan waxaa lagu dhaliilay Khayre madaama ay ku filnayd ka qaybgalkeeda wafti heer Wasiiro ah.

Socdaalka waxaa qayb ka ahaa xubno Ahlusuna ah matalayay,kuwaasoo maalin ka hor heshiis wax qaybsi lagalay Dowlada,waxayna warar hoose sheegayaan in dhaqaale shuruud ku ahaa heshiiskaas lagu soo wareejin doono.

Sidoo kale waxay wararku intaas ku darayaan in Dowlada Fadaraalka laftigeedu ay wadato codsi ay ku doonayso dhaqaale ay ku gasho doorashada Galmudug ee soo fool leh.

Safarkan waxaa kaloo qayb ka ahaa madaxa NISA Fahad Yaasiin oo xiriir xoog leh oo sirdoon la leh Dowlada Qatar.

Dhanka kale waxay warar hoose oo kale ay sheegayaan in Khayre xiriir hoose la yeeshay Dowlada Imaaraadka,sababta uu utagay Dooxa ay tahay in su’aalo laga waydiiyo arintaas.