Goormuu Axmed Madoobe dib Ugu laabanaya Kismaayo?

Maalinka beri foog ah,waxaa dib ugu laaban doona Kismaayo caasimada Kmg ah ee Jubaland Madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe waxuu mudo ku sugnaa Nayrobi oo uu kula kulmay wakiilada beesha caalamka,Madaxda Kenya iyo Madaxda Somalida.

Inta hawlihii uu Nayrobi utagay Madaxweyne Axmed Madoobe way usoo gabagabeen.sida warka aan ku helay.

Imaanshaha Axmed Madoobe ee beri iyo Kismaayo waxaa xigi doona oo maalinka talaadada ah soo degi doona wafti balaaran oo maqaamkiisu sareeyo oo ka socda beesha caalamka.

Sida ay ii xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo Todobaadka soo socda dhamaadkiisa ama bishan dabayaaqadeeda Jubaland iyo Dowlada Dhexe khilaafkoodu dhinac buu udhici doonaa,waxaana kasoo bixi doona war weyn.

Jibril Qoobey.