Maraykanka Oo markale uxaqiijiyay Dowlada Somaliya diidmadiisa dayn cafinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Xoghayaha Maaliyadda Dowladda Mareykanka, Steven Mnuchin, oo kamid ahaa madaxda ka qayb geleysay madasha 19-aad ee Dooxa.

Wararka laga helayo kulankaas waxay sheegayaan in Xoghaya maaliyada Maraykanka uu ka cudurdaartay arinka dayn cafinta ka hadalkiisa una sheegay Khayre in arinkaas xirmay Hanti dhawraha iyo Congres-ka Maraykanka ay diideen lagana reebay Xisaab xirka sanadkan.

Maalmo ka hor ayay ahyd dmarkii Wargeys kasoo baxa Maraykanka qoray in Dowlada Maraykanku diiday cafinta daynta ay ku leedahay Somaliya.

Dowlada uu hogaamiyo Farmaajo ee Somaliya xiligan ka talisa ,ayaa geed dheer iyo mid gaaban ufuushay hirgalinta barnamaijka dayn cafinta.

Danjire Yamamoto oo la riixay barnamaijkan madaxda Dowlada Fadaraalka,ayaa la filayaa in uu iscasilo madaama uu ku fashilmay qorshihiisii.

Sida aan xogta ku helnay Yamamoto oo kasoo jeeda aslakiisa dalka Japan waxuu dhaleecayn xoog badan kala kulmay ku garabsiintisii Dowlada Fadaraalka Somaliya cayrintii ergaygii Qaramada Midoobey ee Somaliya.

Jibril Qoobey.