Saldhiga Bartamaha Gaalkacyo Oo Bam Gacmeed lagu weeraray

Laba askari iyo qof shacab ah,ayaa dhaawac ka soo gaaray, Bam-gacmeed caawa lagu weeraray mid ka mid ah saldhigyada Booliska magaalada Gaalkacyo.

Saldhigga,ayaa ku yaalla Bartamaha magaalada Gaalkacyo.

Kooxihii weerarka gaystay waxay ka baxsadeen goobta,iyadoo dadkii dhaawacmay loo qaaday xarumaha caafimaadka ee Magaalada.