Video:-Maxaa kala socotaa xariga Talyihii Ciidamada Danab ?

Jeeniqaar Talyihii Ciidamada Danab,isagoo Qaranka difaacaya hujuum culusna ku haya argagixisada,ayaa loo dhigay damin.

21- dagaal oo aad ukululaa ,ayuu la galay argagixisada,waxuuan ka qabsaday goobo muhiim ahaa.

Nasiib daro hogaamiyahaas taariikhda difaaca dalka doorka shariifka ah ka galay saakay Xabsi,ayuu ku jiraa,

Jeeniqaar waxaa loo dhigay inqilaab dadban oo ilaaladisiii,ayaa loo adeegsaday,waxaana lagu eedeeyay in ay Hub la fakadeen oo ka iibsadeen suuqyada.

Jeeniqaar arinkaas waxba kama ogayn xiliga qaar kamid ah ilaaladiisu ay Hubka la fakanayaan waxuu joogay jiida hore ee dagaalka,isagoo hogaaminayay Ciidamada.

In xilka laga qaado mahan wax lala yaabo,balse waxaan la aqbali karin Daminka loo dhigay ee lagu Xabisay la rabana in Maxkmad Ciidan lagu soo taago.

Jeeniqaar waaa Sarkaal soo shaqeeyay tan iyo Dowladii Cabdullaahi Yuusuf,laguna yaqaan daacadnimo,hawlkarnimo,Wadaniyad iyo Geesinimo.

Talyaha Ciidamada Dowlada Fadaraalka ah oo xariga Jeeniqaar Baarlamanaku su’aalo ka waydiiyay waxuu uga jawaabay si aan asluubaysnayn oo masuuuliyad dari ka muuqato,waxuuna ilhaameeyay Xildhibaankii waydiiyay su’aashaas,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka