Video:-Ciidamada PSF Oo Bosaso ku fashiliyay Qarax

Ciidanka amniga Dowlad Puntland ee PSF ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan, islamarkaana ka hortagaan qaraxyo lagu xiray bartamaha magaalada Boosaaso.

Qoraal kooban oo ay soo dhigeen bartooda facebooga ayay ku sheegeen in cadowgu dooneyeen inay qaraxyadaas ku waxyeeleeyaan shacabka reer Puntland,gaar ahaan magaaladda Bosaso.

Ciidamada Amniga Puntland (PSF) waxay saaka (18 December 2019) ku guulaysteen in ay ka hortagaan oo fashiliyaan qaraxyo iyo miinooyin ay kooxaha cadowga ahi geliyeen gudaha magaalada Bosaso si ay ugu waxyeeleeyaan shacabka reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Bosaso,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka