Video:-Madaxtooyada Puntland Oo ka hadashay Kulankii Madaxweynaha iyo beesha caalamka

Madaxda Puntland iyo xubno ka socday beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Midooga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobe ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe.

Kulanka ayaa looga hadlayay isu soo dhoweynta Dowlada dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo Doorashooyinka soo wajahan sanadka soo socda.

Dhinacyada ayaa sidoo kale ka wada hadalnay arrimaha ku saabsan dayn cafinta, iyo arrimaha amniga sidii horumar looga gaari lahaa.

“Dhammaan qodobadii aan ka wadahadalnay waxay ku dheceen jewi wanaagsan. Waxaan halkan ka cadaynayaa in Puntland diyaar u tahay wax kasta oo Soomaaliya danaheeda looga hadlaayo iyo siyaasaddeedana horumarinaaya”,ayuu yiri Madaxweyne Deni oo kulanka kadib hadlay.

Halkan ka daawo muuqaalka