Beesha caalamka Oo bayaan kasoo saartay Doorashada Somaliya

Fariin adag baa loo diray si gaar ah Dowlada Dhexe,marka laga soo tago afgobaadsiga oranaya doorasho Qof iyo Cod ah oo ay ogyihiin Diblomaasiyiintu in aysan xiligan dhici karin ama waxyaabihii sahli lahaa dhicidiideeda aysan diyaarsanayan.


Dowladda federaalka waxaa loogu baaqay in ay fuliso ballanqaadyadii, islamarkaana aan la kordhin waqtiga xil haynta ee hay’adaha Dowladda Federaalka.


Qodaobada ay soo saareen beesha caalamka ,ayaa waxay kala yihiin……


In la ixtiraamo dastuurka Federaalkain la xaqiijiyo in doorashooyinka federaalku dhacaan waqtigooda 2020-2021, islamarkaana aan mudo kordhin loo samayn barllamaanka iyo xukuumadda.

Xaqiijinta mataalad dhab ah ee qaybaha bulshadda SoomaalidaGaarsiin fursad shacabku ay si toos ah u doortaan gollayaashooda (doorashada cod iyo qof ah).

Xaqiijinta damaanad qaadista qoondada haweenka ee barlamaanka 30%Xaqiijinta.

In loo fududeeyo ka qaybgalka dadka Soomaalidyeed ee Barakacayaasha ah.

Xaqiijinta taageero buuxda oo laga helo Daneeyaasha siyaasadda ( Maamul goboleedyada iyo qaybaha kale).

In la xurmeeyo muddo xileedka guddiga doorashooyinka Federaalka.

In Doorashadu ay ku dhacdo hab nabdoon si hoggaamiyaasha la doortay ay u helaan sharciyad.

In la xurmeeyo doorka xisbiyada siyaasada