Dowlada Fadaraalka Oo ka hadashay go’aanka IMF

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa soo dhoweeyey go’aankii shalay ay xubnaha hay’adda IMF ku meel-marisay qorshaha maaliyadeed ee hay’adda ka gacan siinaya deyn-cafinta Soomaaliya.

Wasiir Beyle,ayaa sheegaya in go’aankaas uu ahaa mid ay dowladdaFadaraalka Soomaaliya filaysay.

Wasiirka,ayaa dhinaca kale sheegay in bisha Febraayo ee 2020 cafin doonta deynta lagu leeyahay Soomaaliya, oo la rumeysan yahay inay ku dhowdahay 5 bilyan oo dollar.

Beyle,ayaa sheegay in Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto inay soo dhameystirto waxa looga baahan yahay ka hor inta aan la gaarin waqtiga deyn cafinta.