Israa’iil Oo weerartay bartilmaameedyo ku yaal GAZA

Diyaradaaha dagaalka Israel ayaa maanta weeraray warshad hub oo ku taalla Marinka Gaza oo kooxda Xamas ay maamusho, kadib markii dagaal-yahananda Falastiiniyiinta ay gantaallo ku tuureen Israel, waxaa sidaas sheegay ciidamada Israel.

“Gantaallo ayaa xalay dhulka Israel looga soo tuuray dhanka Gaza, ayada oo taas laga jawaabayo diyaaradaha dagaalka waxay duqeeyeen warshad hubka soo saarta oo Xamas ay ku leedahay Waqooyiga Marinka Gaza.” Waxaa sidaas lagu yiri qoraal ay soo saareen ciidamada Israel.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka gantaallada iyo duqeymaha xigay.

Mas’uuliyiinta Israel ayaa sidoo kale goor dambe oo khamiista ah ku dhowaaqay tallaabo lagu yareynayo aagga kalluumeysiga Gaza.

Waax ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Israel oo lagu magacaabo COGAT ayaa sheegtay in ayada oo laga jawaabayo weerarka gantaallada “aagga kalluumeysiga Gaza lagu soo koobay 15 mile badeed illaa amar dambe,”

Xamas ayaa Gaza maamuleysay tan iyo sanaddiii 2007, waxaana dhammaan gantaallada halkaas laga soo tuuro ay Israel mas’uuliyaddooda dusha u saartaa kooxdaas, inkasta oo mararka qaar ay beegsato kooxo kale.

AFP