Ugu danbayn Kongareeska Oo xilkii ka qaaday Trump

Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka waxuu ucodeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha Maraykanka D. Trump.

Madaxweyne Trump,ayaa lagu soo eedeeyey labo qodob oo kala ah

1) Inuu ku takri falay awooddii madaxweynenimo.

2)Inuu horjoogsaday codsigii kongereeska ee ahaa inuu soo gudbiyo waraaqaha uu goluhu codsaday.

Codbixintii qodobka koowaad,ayaa waxa natiijadiisu ahayd 230 mudane oo oggolaatay in madaxweynaha xilka laga qaado iyo 197 mudane oo diiday.

Qodobka labaad ayaa isna sidan loo kala codeeyey: 229 mudane oo oggolaaday, 198 mudane oo iyagu diiday.

Xigasho:VOA.