Video:-Laftagreen Oo inkiray dhiigii ku daatay doorashadisii

Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa alay lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sanad guuraddii ka soo wareegtay markii la doortay madaxweynaha maamulka Cabdicasiis Laftagareen.

Munaasabaddaas ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka socday dowladda federaalka oo uu ka mid yahay afhayeenka golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, iyo madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cadbi Waare.

Laftagareen oo ka hadlayay munaasabada,ayaa sheegay in maalin walba uu maqlo Dad caadeystay in ay been ka sheegaan Maamulka Koonfur Galbeed,isla markaana sheegaya in uu xasuuq ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah sida Xisbiyada waxay ku mashquulaan Arrimaha Koonfur Galbeed,isla markaana dad aan la dilin ayay ka been sheegaan,iyaga oo ku xumeynaya Dowladda Soomaaliya.

Hadalka Laftagreen,ayaa umuuqda mid difaacaya Madaxda Dowlada Dhexe iskuna dayay in uu inkiro xasuuqii dadka badan ku geeriyoodeen ee ka dhacay Baydhabo xiligii doorashadiisa,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka