Baaq ku Socda Dawladda iyo Shacabka Puntland.

Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland

Waxaan bogaadinayaa soona dhaweynayaa dhisida Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo ay wadajir u dhiseen dawladda uu mudane Siciid Cabdullaahi Deni madaxda ka yahay iyo golaha shacabka ee Puntland. Waxaa iyaduna bogaadin iyo soo dhaweyn mudan guddiga oo ay muuqato inuu mudadii yareyd ee ay jireen ay soo bandhigeen hindisa waxqabadkooda. Intaasi waa iga dhiirigelin.

Dabcan ma aha markii uugu horaysay ee guddiga noocaan oo kale la aasaaso. Labadi dawladood ee tan ka horeeyey wey isku dayeen balse waxba kama suurtoobin. Marka la yaab ma leh haddii in badani ka qabto tuhun gudigaan la magacaabay ilaa iyo inta ay ka arkayaan doorashooyin dhab ah oo dhaca.

Muhiimada Doorashooyinka

Doorashooyinkani laba waxyaaloodba waa u muhiim. Tan koobaad, nidaamkan ay Somaaliya qaadatay ee federaalka ah wuxu ka kooban yahay dawladda dhexe DDH), tan gobolada (DG), iyo tan dawladaha hoose (DH). Labada hore ilaa iyo xad, hab doorasho ku salaysan ayey ku yimaadaan. Balse dawladda hose madaxdeeda waxaa soo magacaaba madaxda dawlad goboleedka oo iyagu markay rabaan ka qaada (kana siib kana saar). Tani meesha waa ka baxaysa marka shacabku soo doorto madaxdooda DH. Tan labaad, waxaa meesha ka baxaya habkii ku salaysna in wax lagu qaybsado qabiil ama deegaan (markii la qurxiyo).

Balse yaan loo qaadan haddii axsaab la furo oo shacabku soo doorto madaxdooda in la gaaray dimoqoraadiyad ku salaysan caddaalad iyo sinaan sharciga hortiisa.   Maya. Waa wadiiqa yar oo fiican oo nagu dari karta tan weyn. Dimoqradiyada dhabta ah waxaa aasaas u ah in sharcigu taliyo oo sharciga hortiisa loo wada simanyahay min madaxweyne ilaa qofka shacabka ah.

Kaabayaal dhaqaale oo la dhiso waa fiican yihiin, balse badal uuma noqon karaan caburinta shacabka oo laga qaado xoriyatul-qawlkooda. Maya. Waa wada ogsoonahay dawladda Maxamed Siyaad Barre in ayna jirin dawlad soomaaliyeed oo uuga badnay dhisida kaabayaasha dhaqaalaha. Dabcan wakhtigii uugu dheere ayey xukunka hasay. Waxay ahayd wakhtigii dagaalka qabow (cold war) jiray oo hadba xulufada ad la safantahay wax ka shaqshaqeysan jirtay. Maadaama u ahaa xukun ku salaysan kaligi talisnimo, weli waa na dabasocotaa cawaaqib xumadii an ka dhaxalnay.

Xorriyatul-Qawlka

Waxaa jirta oraah oronaysa haddii ad tagto wadan jaraaidka ka soo baxa ay ka buuxaan oo kaliya warar wanaagsan, waxaa dhici karta in jeelasha wadankaas ay ka buuxan dad wanaagsan. Waxaan aad iyo aad uuga walaacsanahay arrinta soo noqnoqonaysa ee dad shacab, odayaal dhaqameed iyo siyaasiin isugu jira la xirxiro markii dawladda Puntland ay waxqabdkeeda dhaleeceyaan. Haddii golihii shacabka oo ay soo magacoydeen ay shaqadoodi gudanwaayeen, sida la xisaabtanka dawladda, oo ay ku sifoobeen sida caruur gaajeysan oo sugi la’ inta hooyadu cuntada soo bislaynayso, oo dharigii oo weli dabka saaran hadba hooyadu inta xoogaa ka soo qaado, afuufto, afka hubuq uugu siinayso, shacabka iyo waxgaradku ma weyna xaq u lahayn inay fikirkooda dhiibtaan? Waxaan codkayga ku darsanayaa dhamaan shacbi weynaha Puntland oo qaba in siyaasi Dr. Muuse Cali Jaamac iyo oday-dhaqameedyada Bari iyo waxgaradka kale ee la xiran in xoriyadooda sida uugu dhaxsiyaha badan loo siiyo, mar danbana tanoo kale aynan dhicin.

Nimaad Dhashay Kuma Dalin

Mid baanse uuga digayaa shacabka reer Puntland.  Shakki iigama jiro in dhibkii uugu weynaa iyaga soo gaaray wakhtigii dawladdii milateriga ahayd iyo wakhtigii dagaaladda sokeeyaba. Maca daalika, shacabka iyo waxgaradka reer Puntland waxay door bideen inay iyugana samaystaan maamul u gaar ah oo ay ku ilaashanayaan nabadgalyadooda iyo xasiloonidooda, isla markaasna ay badi goobaan sidii Soomaalida inteeda kale ay iskugu keeni lahaayeen. Waana ku guulaysteen labadaas arimoodba oo waa tan mar walba la yiraahdo Puntland waa hooyada Soomaliya. Ayaandarose, waxaad mooda maah maahdii ahayd  nimaad dhashay kuma dhalin inay reer Puntland dib uugu soo laabatay. Waxaa taas usii dheer, dawladda dhexe ee u mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo madaxda ka yahay, iyo tii ka horaysey oo uu mudane Xassan Sheikh madax ka ahaa, waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay Puntland cagtooda hoosteeda u dhigi lahaayeen.  Waxay faragalin qaawan labaduba ku hayeen doorashooyinkii madaweynayaasha Puntalnd. Tan hadda jogta waxayba usoo tafa xaydtay in ay shacabka reer Puntland iyo dawladiiso ay isku dirto.

Nin Gurigiisii Lo Gacandhaafay

Tusaale ahaan, dawladda dhexe (DDH) wixii dhaqaale ah oo ay dawlad goboleedka (DG) usoo dirtay in ay la xisaabtanto ilaa iyo kumiga ugu danbeeye meeshuu ku baxay xaq ayey u leedahay, waana dariiqa saxa ah. Waxaase dariiqa khaldan ah marka DDH dhinac marto DG oo ay si toos ah dhaqaale u siiso shacab si loogu daboolo baahiya jiray.  Ka soo qaad adoo ah nin xilkas ah, shaqaysta, reer iyo caruur leh balse wakhti adagl kula soo darsay. Keebaa fiican marka walaalk ama ehelkaa amaba saaxiibkaa inta kuu yimaado hadba xoogaa kuu turo iyo marka ay ku daba maraan oo gabadha ad isqabtaan iyada hadba xoogaagii ay iyada siyaan?  Maxay uuga duwantahay nin gurgiisii loo gacan dhaafay?

Tusaale kale,  mudane Cabdullahi Goodax Barre waa wasiirka waxbarashda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee DFS. Waa aqoonyahan ilaa iyo waxbarshadiisa jamacadda (Beeraha) heerka koobaad Soomaaliya ku dhamaystay. Intaas oo dhamina waxay ahaayeen lacag la’aan, markaad ku darto jaamicadda oo lahayd jiif, cunto, iyo weliba gunno yar oo billah. Haddii aanan khaldaneyn, waxbarashadiisa ilaa heer PhD oo u banaanka ku soo dhamaystay waxay ku salaysnayd mucaawino (scholarship) ay dawladdii Soomaaliya ee markaas jirtay.

Wixii ka danbeeyey burburkii 1991, iskuuladdii waxbarashada ee dawladda waa burbureen. Ardaydii waxay u qaybsameen kuwo waalidkood ka bixiyo kharashka iskuulo si gaar ah looleeyahay, kuwo dhigta iskuulo lacag ah oo dad banaaka ku nool taakuleeyan, iyo kuwo ka haray waxbarashada dhaqaale darid awgeed.

Wassiir Goodax ma ku haboontahay inuu ugo goodiyo ubadka sidaas wax ku bartay inaan loo tasdiiqayn shahaadooyinkooda hadayna yeelin sida ay DDH rabto? Haddii aysan ahayn taladiisa, ee ay tahay talo RW iyo madaxweynaha ka timid, kuma khasbana inuu fuliyo.

Miro Gunti Idiin ku jira Ha u Daadinina Kuwo Geed Saaran

Ugu danbayn, shacabka iyo waxgaradka reer Puntland waxaan leeyahay dawladda Farmaajo iyo Khayre horboodayaan waa mid doonaysa inay burburiso nidaamka ferderaaliga ah ee iyaga qudhooda lagu soo doortay. Waa niman doonaya inay soo celiyaan habkii kaligi talisnimda. Dawladda ad dhisateen 20 sano ka hor rogrogta, wixii ka khaldan saxa. Miroh gunti idiin ku jira ha u daadinina kuwo geed saaran.

Rabow tubta toosan. Aamiin.

Abdihakim Hassan Hersi