Yaa ka danbeeya Maleeshiyada isbaarada dhigatay Ee Ciise Yulux?

Faroole,Faarax Cali Shire,Cali Gaab iyo Villa Wardhiigley oo ka hortagaya imaanshaha Cumar,soo socoshada Boqorka iyo Gaas,ayaa abaabulay Maleeshiyadan saakay jidgooyada sharcidarada ah dhigatay.

Kooxdan isbiirsatay waxay ka xun yihiin in Cumar Cabdirashiid iyo Deni isfahmaan oo wada hadlaan.

Sidoo kale Deni iyo Boqorka ay wada hadlaan oo isfahmaan.

Kooxdan Wajiyada badan ee isbahaysiga ah waxay khatar u arkaan isbahaysi dhexmara Rag miisaan culus leh.

Ragaas waxay kala yihiin,Cumar Cabdirashiid,Gaas,Madaxweyne Deni,Wasiir Xasan Shire iyo Maxamuud Shido.

Qorshaha ay argagaxa ka qaadeen kooxdan Faroole ku jiro waxay tahay in isbahaysiga ragan uu maalmahan Garowe ka hirgali doono.

Maxamuud Shido waxaa loo wadaa Senatar-ka Aqalka sare ee beesha Muuse Ciise oo uu hada ku fadhiyo Faroole.

Cumar Cabdirashiid waxuu usharaxan yahay Madaxweynaha Fadaraalka.

Gaas waxuu udiyaarsan yahay Safiirka Maraykanka iyo Qaramada Midoobey ee Somaliya.

Halka Deni lala dajinayo xaalada Puntland laguna garabgalayo hogaamintiisa.

Xasan Shire waxuu sii ahaan doonaa Wasiirkiisa maaliyada.

Faroole iyo Faarax Cali Shire oo garab ka helaya Villa Wardhiigley waxay isku dayayaan in ay ka hortagaan qorshahaas hankooda khatarta kuwada ah.

Faarax waxuu quudaraynayay in uu helo Xildhibaan Fadaraalka ama Aqalka sare.

Hadii Deni iyo labada Oday ee Aaranjaan hogaamiya xiligan iyo Odayaasha horay usoo noqday Ra’isalawasaarayaasha isfahmaan,isla markaana Madaxweyne Deni uu la heshiiyo Boqorka iyo Bahdir-Rooble waxay ubadan tahay in isbahaysi adag uu halkaas kasoo baxo oo aan la loodin karin jihada siyaasada Puntland iyo Fadaraalka badala.

Jibril Qoobey.