Amar dhaleecayn weyn la kulmay OO kasoo baxay Bankiga Dhexe Ee Somaliya

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,gaar ahaan Gudoomiye xigeenka Bankiga dhexe,ayaa maanta amartay in la xiro akoonada ay leeyihiin shirkadaha ku shaqeysta adeega sarifka lagacaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah. (Forex Exchange).

Dad badan,ayaa ku tilmaamay go’aankan mid lagu deg-degay oo aan laga fiirsan oo keeni kara khasaare balaaran oo soo gaara ganacsatada iyo shacabka.

Waxa ay halis ku tahay in ay lunsadaan lacagihii ay hore u hayeen lana baxsadaan, ka dib Marka ay arkaan warqaddan Shirkadaha shaqa joojinta lagu sameeyay.

Sidookale ma jiro dembi lugu soo oogay oo shirkadahaas lugu haysto.
Shirkaduhu waxa ay lacag u hayaan oo kayd ka dhigtay waayahan danbe Dadka caadiga ah.

Inta ay lacagta Dadka ka soo qaadaan ayay ugu shaqeeyaan faa’iidana siiyaaan.

Siyaasad dhaqaale,ayaa ku jirta oo waxaa arinkan dabada ka riixayay in la mamnuuco shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay.

Shirkadahaas,ayaa waxaa yaaraday lacagihii la dhigan jiray oo ay sii isticmaali jireen,sababtoo ah bulshadu waxa ay lacagtoodii uwareejisteen oo dhigtaan meel ay filayaan in ay ugu badbaadayso faa’iidana ay ka helayaan.

Arrintan waxaa masuuliyaddeeda qaadanaya Bangiga Dhexe ee Dalka oo ah Xafiis hoos taga Wasaaradda Maaliyadda.

Forex.waa suuq Ganacsi oo adduunka oo dhan ah,waana hannaan sarif ah oo lacagaha lagu bedelo si Online ah.

Muqdisho waxaa ku yaalla shirkado iyagu ka ganacasada habkan.waana sababta arrinta loogu koobay Muqdisho.

Shirkadaha ka ganacsada suuqan,waxay samaysan karaan Akoonno aan ku xirnayn Bangiyada Waddanka.

Balse dhibka taagan hadda ayaa ah in lacagihii ay ku jiraan Akoonnadii bangiyada waddanka.

Bangiyada ay akoonada ku leeyihiin,ayaa waxaa ka mid ah,Premier Bank, IBS. Salaam Bank.

Ugu danbayntii arinkan waa mid siyaasaddaysan, oo maalmahan taagnaa.

Halkan ka akhriso