Go’aankii maxkamadda kiiska Khaashuqji oo la cambaareeyey

Go’aanka maxkamad Sacuudi ah ay uga bari yeeshay kaaliye sare oo ku dhow dhaxa-suge Maxamed Bin Salmaan inuu ku lug lahaa dilkii Jamal Khaashuqji, ayaa la kulmay cambaareyn caalami ah ayada oo lagu qeexay ka been-sheegid cadaaladeed, balse helay taageerada Mareykanka.

Shan qof oo aan magacooda la shaacin ayaa Isniintii dil loogu xukumay dilkii weriye Jamal Khaashuqji, halka saddex kale lagu riday xukunno xabsi oo marka la isku geeyo gaaraya 24 sano.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa go’aanka ku qeexay “tallaabo muhiim ah” oo lagula xisaabtamayo kuwii ka dambeeyey dilka.

“Waxaan ku cadaadineynaa daah-furnaan intan ka badan iyo inay qof walba la xisaabtamaan” ayuu yiri sarkaalka.

Hase yeeshee, go’aanka maxkamadda ayaa waxaa dhalleeceeyey Turkey oo ku qeexday natiijo “fadeexad ah” oo bari yeeshay kuwii soo diray dilayaasha, oo ay ula jeedaan Maxamed Bin Salmaan.

Riyadh ayaa ku qeexday dilkii Khaashuqji inuu ahaa howl-gal “fallaago”, oo dhaxal-sugaha uusan wax kaalin ah ku lahayn.

Hase yeeshee CIA-da Mareykanka iyo ergeyga gaarka ah ee QM Agnes Callamard ayaa si toos ah ula xiriiriyey Maxamed Bin Salman dilka, eedeyntaas oo si darran ay u beenisay boqortooyada.

Agnes Callamard ayaa sidoo kale go’aanka maxkamadeynta ku qeexday mid aan u dhoweyn cadaalad uu helo Khaashuqji.

AFP