Afawerke Oo safar aan la shaacin ku tagay Adis-ababa

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta gaaray magaalada Addis-Ababa, halkaasi oo uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya kula yeelanayo kulankii ugu horreeyey tan iyo markii uu abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize ku helay billaabidda heshiiska labada dal.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa dhex-maray dagaal xuduudda ka dhacay, 1998-2000, kaasi oo ay ku geeriyoodeen qiyaastii 80,000 oo qof.

Waxyar un kadib markii uu xunkunka yimid, Abiy Ahmed, oo 43 jir ah, ayaa ka yaabiyey dunida iyo dalkiisaba isaga oo la xiriiray Afwerki, si uu heshiis nabadeed ula gaaro.

Abiy ayaa Afwerki kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha calaamaiga ah ee Bole, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ku xiran ee Fana.

“Inta lagu guda jiro joogitaankiisa Itoobiya, madaxweynaha Eritrea, waxaa la filayaa inuu la kulmo saraakiisha Itoobiya, sii ugala xaajoodo arrimaha labada dhinac.” Ayey tiri Fana.

Afwerki ayaa waxaa safarka ku wehliya wasiirka arrimaha dibedda Osman Saleh iyo la-taliyaha madaxweynaha Yemane Gebreab, sida uu qoraal uu twitter-ka soo dhigay ku sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane G. Meskel.

“Labada hoggaamiye waxay ka wada xaajoon doonaan sare u qaadista arrimaha muhiimka ah ee labada dhinac iyo arrimaha gobolka” ayuu yiri Yemane.

AFP