Ciidamada Badda Puntland Oo gadooday kana soo baxay furimaha

Guud ahaan Ciidanka Badda Puntland waxay sameeyeen Gadood.

Ciidanka gadooday waxay kasoo baxeen oo soo baneeyeen goobihii ay Cadawga ku hor fadhiyeen.

Ciidanku waxuu ka gadooday markii shaqada laga cayriyay lagana jaray mushahaarkii Askartii uga naafoowday dagaaladii ay horay ula galeen cadowga.

Ciidanka la ruqseeyay,ayaa gaaraya 70-askari oo kuligood dhaawac culus qaba.

Sida warku nagu soo gaaray Ciidanka la ruqseeyay ee naafada ah,waxaa boosaskoodii lagu badalayaa kuwo cusub.

Go’aanka cayrinta Ciidankan,waxuu kasoo baxay Madaxweyne Deni sida ilo xog ogaal ah ay noo xaqiijiyeen.

Talaabadan waa mid laga xumaado oo niyad jab ku ah guud ahaan Ciidamada difaaca Puntland .

Jibril Qoobey.