Dilal qorshaysan OO ka dhacay Bosaso

Dabley hubeysan ayaa xalay fiidnimadii waxay toogasho ku dileen Cismaan Axmed Askar oo ka mid ahaa shaqaalaha dekedda Boosaaso, xili uu gurigiisa u sii hoyanayey.

Marxuumka ayaa u geeriyooday rasaas ay dableydu kaga fureen qaybaha sare ee jirkiisa.

Dableydii falka dilka ah geystay ayaa baxsaday, mana jiraan wax war ah oo ay laamaha ammaanka ee Puntland ay ka soo saareen.

Arrintan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo habeenimadii Isniinta ay gudaha magaaladda Boosaaso ay dabley aan haybtooda la garaneyn ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada amniga oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Ilkacase.

Dhacdooyinkan waxay kusoo aadayaan iyadoo Wasiirkii amniga uu hal bil dano ganacsi ugu maqan yahay Dalalka Kenya iyo Uganda.