Mawqifka Deni Ee arimaha masiiriga ah Oo jahwareer dhaliyay

Madaxweyne Deni waxuu doonayaa Makarafoon,kaddib markii ay cadaan weyday siyaasadiisa ku aadan arrimaha masiiriga u ah Puntland iyo Somaliya.

Markii ugu horaysay taariikhda beesha caalamku waxay ku jahwareertay Mawqifka Puntland ee arimaha masiiriga ah.

Madaxweyne Deni hadal aan dhamaad lahayn,cadayn,iska daba wareegaya ayay kala soo kulmeen diblomaasiyiinta beesha caalamka.

Dadka la socda siyaasada Puntland waxay sheegayaan in Deni ku haftay siyaasada dibada ee Puntland,isla markaana ay muuqato karti yari iyo maarayn xumo ku aadan dhankaas.

Kulanka loo balamiyay ee PDRC Talk,ayay hada Dad badani ka war dhawrayaan waxa uu ka sheego Madaxweyne Deni,maadaama ay wax walba taagan yihiin.