Hoyga Gudoomiyaha Gobolka Bari Oo la weeraray

Guriga Gudoomiyaha Gobolka Bari,ayaa caawa la weeraray.

Dabley hubaysan oo haybtooda aan la aqoonsan,ayaa weerarka fuliyay.

Majiro wax khasasre ah oo ka dhashay weerarkaas dablaydiina si fudud,ayay goobta uga baxsadeen.

Dhawrkii habeen ee ugu danbeeyay waxaa Bosaso ka dhacayay dilal qorshaysan iyo weeraro.

Jibril Qoobey.