Faallo:-Hadal jeedintii Madaxweyne Deni Ee PDRC

Madaxweyne Deni la hadalkiisii shacabka Puntland ee ‘PDRC TALK’ waxay ahayd mid la bogaadiyay boqolkiiba sagaashan.

Waxuu taabtay dhan walba iyo arin kasta oo Dadku iswaydiinayeen ama ay uga baahnaayeen faahfaahin.

Doorashada 2020.
Nidaamka 4.5.

Jubaland
Waxbarashada.
Mashaariicda.
Xildhibaanada Pl ee Fadaraalka.
Siyaasada arimaha dibada.
Doorka Pl ee hogaaminta dalka.
Siyaasada gudaha Puntland.
Dhaqaalaha Puntland.
Amniga gudaha ee Puntland.
Soo jireenka Puntland.
Hirgalinta nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland.
Midnimada iyo ilaalinta nidaamka Fadaraalka Puntland

Madaxweyne Deni waxuu muujiyay balaaqo,Deganaan,isku kalsoonaan,xog ogaalnimo iyo hogaamin.

Bulshada indhaha,ayuu ufuray,xog ogaal,ayuu ka dhigay,waxuu ka haqab tiray xogta dalka iyo jawaabo ay ubaahnaayeen.

Deni waxuu muujiyay daacadnimo,Wadaniyad iyo in Dalka lagu aamini karo halsano kadib.

Madaxweyne Deni waxuu iska ilaaliyay in uu deg-deg muujiyo hadalna ka tago ama uu bixiyo go’aan beri kusoo laaban kara,si balaaqo iyo akhlaaq wanaag lehna,waa usoo gudbiyay go’aamadiisa ku aadan arimaha masiirig ah.

Iyadoon loo eegin mucaaradnimo iyo muxaafadnimo Deni la hadalkiisii Bulshada ee xalay waxuu mudan yahay in lagu tixgaliyo lagana war dhowro meesha wax ku shumaan.

-WQ.Jibril Qoobey.