Video:-Muxuu ka yiri Madaxweyne Deni Doorashada 2020-21?

Saciid Deni oo xalay ka hadlayay Kulan lagu lagu weydiiyay oo ay qabatay Hey’adda PDRC ayaa sheegay in dowladda ay dooneyso inay sameyso sharciyo doorasho aan lagala tashan Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadraaalka.

Waxaa uu sheegay in sharciga doorashada ee hada la wado uu yahay sida kii Kacaankii oo kale, sidaas darteedna la rabo Liis xiran laga dhigo qofka la dooranayo hal deegaan doorasho kaliya ka yimaado Xamar ama Xudur sida uu yiri.

“Labo aragtiyadood ayaa xoog u socota, aragtidaas mid waa tii Kacaankii u ekeyd oo Liis xiran ah Xamar ama Xudur ha joogoo hal meel ayaa lagu wada ridayaa, hal deegaan doorasho ah, aad baan beryahan u maqleynaa oo ah mida dowladda ay riixeyso, xogta sida aan ku maqlayo dadka barnaamijkaas wada waa kaadiriinta Kacaankii barakeysnaa, waxaa kaloo dowladda ay leedahay maalmahan Xisbi weyn oo weyn ayaa fureynaa, malaha Xisbigaas waxaa u qaatay waa Kii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed”ayuu yiri Saciid C/llaahi Deni.

Madaxweyne Deni,aya sheegay in xeer doorasho inta aan la sameyn ka hor loo baahan yahay Dastuur dadka yeesho, dastuurkaas afti loo qaado oo nidaam doorasho dastuurkaas ku saleyn leh iyo nidaam xisbiyadeed oo qayaxan la helo

“Xeer doorasho inta aan la sameysan waa in la helaa dastuur dalka yeesho, dastuurka marka afti loo qaado oo dastuur dhameystiran noqdo waa in nidaam doorasho dastuurkaas ku saleysan la helo iyo nidaam xisbiyadeed oo qaxayan, waxaa imaanaya doorasho aan la isku khilaafsaneyn oo aas aas dastuuri leh”ayuu yiri Saciid Deni.

Waxaa uu sheegay inuu maqlay in sharciga doorashada la rabo in loo codeeyo maalinta Sabtida ah, isagoo is weydiiyay sidee Xeer doorasho loogu codeynayaa iyadoo habraaca sharciga uusan marin, isla markaana dastuurka lagu heshiin,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka